4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2018
Al-shabaab oo weeraray gaari Qaad u siday degmada Balcad

 

Jimco, July, 20, 2018 (HOL) –Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay waddad isku xirta degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe duhurnimadii maanta ku weerareen gaari Homy ah oo Qaad siday.

Sida ay ku waramayaan dadka deegaanka Gaarigan oo maalin walba qaadka ka soo qaada degmada Jowhar ayeey xoogag ka tirsan Al-shabaab u galleen waddada xiriirisa labada degmo Jowhar iyo Balcad oo uu qaadku ku soo socday.

Gaar ahaan weerarkan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Il-baq , waxaana ku dhaawacmay Labo ruux oo mid ka mid ah lagu sheegay darawalkii waday gaariga.

Al-shabaab ayaan ogoleyn ka ganacsiga iyo cunista Qaadka intaba iyaga oo horey-ba uga mamnuucay deegaannada ay maamulaan, dhowr jeer oo hore-na waxaa dhacday in ay gubeen gadiid Qaad siday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]