4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2018
Faah faahin ku saabsan Qarax gaari lagu soo xiray oo saakay ka dhacay Muqdisho

 

Sabti, July, 21, 2018 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax lagu soo xiray gaari yar oo kuwa raaxada kaa oo ku qarxay xili uu marayay degmada Boondheere maal aan wax badan ka fogeyn xarunta Wasaaradda Amniga.

Dadka gaarigan la socday ayaa la sheegay in ay ahaayeen Dad isku Qoys ah, waxaana goobta ku dhintay qofkii waday gaariga.

Gaariga oo ahaa nooca Fielder waxaa saarnaa oo la socday saddex ruux oo isku Qoys ah oo uu ka mid ahaa marxuumka dhintay, waxaana dadka ku dhaawacmay qaraxa ka mid aheyd Hooyadii oo la saarneyd gaariga.

Ninka ku dhintay Qaraxa ayaa lagu sheegay magaciisa Fu’aad Saleebaan Jaamac,waxaa uu ka tirsanaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa siweyn loo xoojiyay amniga magaalada Muqdisho Isgoys walba-na waxaad ku arkeysaa ciidamo baritaano ku hayay gaadiid dadweynaha, laakiin haddana dhinaca kale waxaa muuqata in wali qarax-yada iyo dilalku yihiin kuwo sii socda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]