4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2018
Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo booqasho ku tagaya magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka

 

Sabti, July, 21, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in 30 bishan July booqasho rasmi ah uu ku tago magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Abiy Ahmed ayaa safarkiisa waxaa iimanaya xili dhinaca kale uu jiro cadaadis lagu saarayo in uu si deg deg ah u fara-galiyo colaada qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo saameyn weyn ku yeelatay guud ahaan marka la eego xasiloonida iyo nabada deegaannada ay wada degaa labada qowmiyadood.

Magaalada Minneapolis waxaa ku dhaqan tirada ugu badan dadka Soomaalida iyo Oromada ee ku nool guud ahaan marka la eego dalka Mareykanka, taasoo ka dhigeysa safarka Abiy Ahmed ee Minneapolis mid muhiimad gaar ah u leh labada dhinac-ba, isaga oo arki doona jaalada labada Qowmiyadood.

Cabdi Warsame oo ah xubin ka tirsan Golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis ayaa sheegay in lagu marti-qaaday ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed in 30ka bishan July uu booqasho ku tago magaalada Minneapolis.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]