4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Madaxweynaha Shinaha oo ay u bilaabatay booqasho oo ku marayo qaarada Africa

 

Axad, July, 22, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu booqday qaar ka mid ah dalalka qaarada Africa isaga oo lugtii ugu horeysay safarkiisan lagu soo dhaweeyay magaalada Dakar ee dalka Senegal halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho Labo maalmood ah.

Sidoo kale madaxweynaha Shinaha ayaa tagi doona dalal ay ka mid yihiin Rwanda, South Africa iyo Mauritius, isaga oo ku hormari doona dalka Rwanda oo maanta galinka danbe la filayo in uu gaaro.

Shiinaha ayaa marka la eego saameyn dhaqaale oo weyn ku leh guud ahaan qaarada Africa, iyaga oo dhinaca kalana taa badalkeeda si gaar ah isha ugu haya kheyraadka dihan ama qaarsoon ee qaarada oo ay doonayaan in ay ka faa’ideystaan.

“Ujeedada booqashadu waa hormarinta iyo kor u qaadida xiriirka labada dal, iyo arrimaha Maalgashiga khayraadka dabiiciga ah ee Rwanda ama dalal kale ee Africa ku yaalla” ayuu yiri danjiraha China ee Rwanda, Rao Hongwei.

Khabiirada sida weyn ugu dhuun-daloola siyaasada Shiinaha ee qaarada ayaa qaba in Shiinuhu siweyn ugu diyaar-garoobay maalgashiga dalalka Afrika, uuna bartilmaameedsanayo khayraadka dabiiciga ah iyo ilaha dhaqaale ee wadamada Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]