Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada uga socda magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa goor dhow in war-murtiyeed laga soo saaro.
newsinsideXarunta uu shirka ka socdo ee wasaaradda maaliyadda Puntland, waxaa hadda ku sugan guddiyada wasiirrada maamul-gobolleedyada,iyadoo goor dhow lagu wado inay halkaas gaaraan hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada.
Warar horudhac ah oo ay heshay Hiiraan Online, ayaa sheegay in dowlad-gobolleedyada ay sameysteen xisbi lagu magacaabo Horu-socod Qaran, wararka ayaa inta ku daraya xisbiga inuu hoggaamin doono madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.
Madasha wada-tashiga ayaa sidoo kale doortay guddoomiye cusub, waxaana xilka ka badalaya madaxweynaha Puntland oo muddo sannad ah oo ay madasha dhisneyd hoggaaminayay, madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed Shariif Xasan.
Qodobbada wali si rasmi ah looma xaqiijin, balse waxaa la sugaya war-murtiyeedka goor dhow lagu dhawaaqayo inay ka soo muuqdan.