4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2019
Shir madaxda qaarradda Africa uga furmaya magaalada Kampala

 

Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu wadaa in uu shir uga furmo madaxda qaarrada Africa kaa oo looga wada hadlayo sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo,

Madaxwey-naha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa qeyb ka noqon doona shirkaa, waxaana dhinaca kale la filayaa in kulamo gargaar ah uu la yeesho madaxda qaarradda ee ku sugan shirka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bilihii ugu danbeeyay galay safaradii ugu badnaa, waxaana uu dhawaan isku maray dalalka Itoobiya iyo Kenya, isaga oo magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]