Abiy Ahmed oo u hambalyeeyey Agaasimaha cusub ee xafiiska QM ee Nairobi
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Qoraal ka soo
baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa loogu
hambalyeeyey Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu Negewo,kaasi
oo loo magacaabay agaasimaha guud ee xafiiska QM ay ku leedahay magaalada
Nairobi.
Xoghayaha guud ee QM Antonio Gutters ayaa
Workeneh Gebeyehu Negewo u magacaabay in xafiiska Jimciyadad Qurumaha ka
dhexeysa ee Nairobi agaasime guud ka noqdo.
Raiisul Wasaare Dr Abiy Ahmed ayaa sheegay in
Workeneh Gebeyehu Negewo uu yahay shaqsi khibrad iyo waayo aragnimo badan
leh,islamarkaana uu ka soo bixikaro shaqada loo dhiibay.
Workeneh Gebeyehu Negewo ayaa mudo 20 sano ah
xilal kala duwan ka soo qabtay dalkaasi Itoobiya,waxaana raiisul wasaaraha
Itoobiya uu ku ammaanay in uu yahay shaqsi wax badan ka yaqaano maamulka iyo
nidaamka dowladnimo oo meelo kala duwan uu kaga soo shaqeeyey.
Wuxuu xusay in uu dhowr muuqda ku lahaa
isbedelada iyo dib u habaynta howlaha siyaasadda arrimaha dibadada ee
wasaaradda qaabilsan,gaar ahaan dib u soo celinta xiriirka iyo wadashaqeynta
Itoobiya ay la lahayd wadamada gobolka Geeska Afrika.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]