4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2020
Puntland oo dad u xirxirtay qarax Gaalkacyo lagula beegsaday ciidamadeeda amniga
 

Sabti, November, 21 2020 (HOL) - Gudoomiyaha gobolka Mudug Abdiladiif Muuse Nuur, ayaa sheegay in ay dad u hayaan qarax lagu weeraray ciidamo katirsan Puntland oo Roondo ka sameynayay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha ayaa beeniyay in wax khasaare ah uu qaraxaas kasoo gaaray ciidamada lala beegsaday, balse wuxuu qiray in ganacsade caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo uu dhintay falkaan.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan oo kusoo beegmaya xilli`i dhawaan laamaha amnigu ay sheegeen inay burburiyeen shabakad katirsan Alshababab oo fulisa dilalka qorshaysan iyo qaraxyada.

Goobta uu falkaan ka dhacay waa meelaha ugu badan ee ay Alshabab ku ka geysan jireen qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, waxaan horey loogu dilay masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]