4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2020
Cabdi Xaanshi '' Madaxweyne Farmaajo wuxuu jabiyay qoddobo sharci ah

 

Isniin, November, 23, 2020 (HOL)  - Guddoomiyaha Aqalka Sare Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa ku eedeeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo in uu jabiyay qoddobo sharci ah.

Cabdi Xaanshi ayaa sheegay in madaxweyne  uu si sharci darro ah markii horeba  ku riday xukuumaddii uu hoggaaminayay Xassan Cali Kheyre, taa badalkeedana uu xilka Ra'iisal Wasaaraha si KMG ugu dhiibay xiliggaa Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka oo ka mid  ahaa xukuumadda codka kalsoonida lagala noqday.

''Qaladaadka sharciga ee uu madaxweynuhu horey u sameeyay ayeey ka mid tahay, waxey aheyd haddiiba xukuumadda si KMG loo sii waddayo in uu xilka sii hayo Kheyre inta Ra'iisal Wasaare laga soo magacaabayo'' ayuu yiri Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Si la mid ah ayuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumaddaba ku tumanayaan sharciga doorashada iyaga oo ku howlan sidii ay u boobi lahaayeen ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaanshi.

Gaar ahaan wuxuu sheegay in la maja-xaabinayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi [Soomaalilland]'' Guddiyada doorashada gobollada Waqooyi kama duwana kuwa ay soo magacaabayaan dowlad gobolleedyada'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Dowladda Soomaaliya wali jawaab tifaftiran kama aysan bixin eedeymahan is daba joog ah ee loo jeedinayo ee ka dhanka ah guddiyada doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]