4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2020
Daahir Maxamuud Geelle'' Xafiisyada dowladda ha joojiyaan hurinta colaada

 

Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Wasiirkii hore ee Wasaarrada Warfaafinta islamarkaana ka mid ah musharixiinta garabka mucaaradka ee ku shirsan magaalada Muqdisho Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in xafiisyada dowladda laga hurinayo colaad laga abuurayo deegaannada dalka.

Wuxuu sheegay in shirkooda uusan aheyn oo kale mid la xiriira arrimaha doorashooyinka, laakiin ay ka wada hadlayaan sidoo kale Dimuquraadiyada , Amniga iyo Wadajirka dalka.

''Annaga ayaa rabna in ah doorashada nabadgalyo ku dhacdo, laakiin waxaan arkeynaa colaad iyo dib laga shidayo bulshada dhaxdeeda, waan ka xunahay waxaa ay aheyd Amaanka iyo doorashooyinka inay hormuud ka noqoto ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.

Daahir Geelle ayaa sheegay in shirkan sidoo kale qeyb ka yihiin Ururrada bulshada, culimada iyo waliba qaar ka mid ah isla mas'uuliyiinta dowladda oo laftirkooda walaac ka qaba sida ay wax u socdaan.

Shirkan musharixiinta madaxweynaha oo maalintii saddexaad galay ayaa lagu wadaa in berri laga soo saaro war-murtiyeed la xiriira doorashada dalka iyo guud ahaan xaalada uu wadanku xilligan marayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]