4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2020
Siyaasi Cabdi Cabdulaahi Xaashi oo Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha


Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) - Munaasabad uu ku shaacinayay inuu xilka madaxweynaha Soomaaliya u taagan yahay musharax Cabdi Cabdulaahi Xaashi, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya, iyadoo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Odayaashii kasoo qeyb galay kulanka ayaa taageeray musharaxa madaxweyne Cabdi Cabdulaahi Xaashi Seed, iyagoo sheegay inuu yahay masuul lagu aamino karo dadka iyo dalka.

Waxay ka qeyb galayaashu u rajeeyeen guul iyo inuu ka dhabbeeyo ajandihiisa siyaasadeed ee uu goobta kusoo bandhigay, waa haddii uu xilka ku guulaysto.

Musharax Cabdi Cabdulaahi Xaashi, ayaa ballanqaaday haddii la doorto afarta sano ee soo socota inuu ka shaqeyndoono dhameystirka dastuurka, shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed, waxbarasho iyo caafimaad lacag la’aan ah iyo sidoo kale in muddo labo sano gudaheed ah uu dalka gaarsiindoono doorashado axsaabta badan.

Musharaxan ayaa qeyb ka ah tiro badan oo murashixiin ah oo u hanqal taagaya doorashada madaxweynaha ee horraanta sanadka soo socda.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]