4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2020
War-murtiyeed ka soo baxay shir maalmihii ugu danbeeyay Muqdisho uga socday midowga musharixiinta
 

Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) -Midowga musharixiinta doorashada Soomaaliya oo shantii maalmood ee la soo dhaafay ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa ugu danbeyntii soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob.
 
Musharixiinta ayaa war-murtiyeedkoodan ku dilbaday in la kala diro gabi ahaan guddiyada dowladda Soomaaliya u saartay in ay ka shaqeeyaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee badalaya Baarlamanka hadda jira.
 
Musharixiinta ayaa sidoo kale dalbaday in guddiga doorashada xildhbaannada Gobollada Waqooyi loo madax-bannaaneeyo in uu soo magacaabo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi iyo qodobo kale oo dhawr ah.
 
Hoos ka akhriso :




 

 

 
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]