4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2021
Shariif Sheekh Axmed '' Dowladda waxey dhiigeena ku baneysatay hadal uu yiri qof aan naga tirsaneyn

 

Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) -Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlay shir jaraa'id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen golaha Midowga Musharixiinta ayaa soo hadal qaaday dhacdadii 19kii bishan Jimcihii toddobaad hore ka dhacday magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dhiigga musharixiinta ku banneysatay hadal uu sheegay qof aan golaha ka tirsaneyn, isaga oo yiri'' Qofaan Musharaxiinta ka tirsaneyn oo afhayeen u ahayn ayaa hadlay anaga Dhiiggeenna looma Baneysan karo warkaasu inuu cadyahaa fiican"

Waxaa uu intaa ku darray in falkii lagula kacay Jimcihii ina dhaafay uusan aheyn mid u wanaagsan Dimuquraadiyada isaga oo intaa ku darray in ay xukunka isaga taggeen iyaga oo qaadi karay tallaabo ka badan inta ay dowladdu kula kacday ''Anagoo joognaa kuraasta ka tagnay oo awood u leh waxaan dhacaya wax ka badan inaan sameyno"

Inkastoo uusan Shariif Sheekh Axmed uusan soo hadal qaadin shaqsiga uu ka hadlayo, haddana waxaa muuqata in ay iska fogeeyeen hadalkii uu Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade uu ka jeediyay fagaaraha Daljirka Dahsoon habeennimadii Khamiista, isaga oo sheegay in dalka wax dowlad ah ka jirin, amaanka dibadbaxayaashana uu isaga ilaalin doono.

Wixii xiligaan ka danbeeyay Gen Indhacade kama uusan soo muuqan warbaahinta lamana oga halka uu ku sugan yahay. waxaana ay dadbadani qabaan in  talaabada ay dowladdu qaaday sababteeda uu isaga lahaa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]