4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2021
Midowga Musharixiinta oo ku gacan seyray go'aanka dowladda ee lagu joojiyay dibadbaxyada

 

Arbaco, Feberaayo, 24, 2021 (HOL) - Midowga musharixiinta ayaa mar kale ku celiyay in maalinta Jimcaha ah dibadbax ka dhiggayaan magaalada Muqdisho, iyaga oo ku gacanseyray go'aankii dowladda ee ahaa in la joojiyay ama la mamnuucay gabi ahaanba isku soo baxyada si loo xakameeyo cudurka Covid 19.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah  ka mid ah midowga musharixiinta ayaa sheegay in aysan dhag jalaq u siin doonin go'aanka dowladda ay isku hortaagtay dibadbaxa, waxaana uu intaa ku darray in uu yahay xaq dastuur ah in dadku aragtidooda cabiraan.

Isaga oo la hadlayay BBC ayuu sheegay in markii ay dowladdu go'aankan ku dhawaaqeysay maalintii shalay dhinaca kale magaalada Beledweyne uu ka dhacay dibadbax lagu taageerayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  waxaana uu su'aal ka keenay sharciga fasaxaya dibadbaxa madaxweynaha lagu taageerayo ee diidaya kan looga soo horjeedo.

Laakiin Wasiirka Amniga Soomaaliya  oo maalintii shalay hadlay ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin  nooc kasta oo dibadbax ah haddii uu lahaa mid dowladda lagu taageersan yahay in mid kale looga soo horjeedo, iyada oo taa loo yeelayo sababo caafimaad iyo mid amni intaba.

Baaqa midowga musharixiinta ayaa imanaya xili Jimcihii ina dhaafay dowladda is hortaag ku sameysay dibadbax ay doonayeen in ay dhigaan musharixiinta mucaaraadka kaasoo sababay iska horimaadyo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]