4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2021
Midowga Musharixiinta '' Madaxweyne Farmaajo waa in uu talada ku wareejiyaa Gole Qaran oo KMG ah

 

Khamiis, Feberaayo, 25, 2021 (HOL) - Qoraal ay u gudbiyeen midowga Musharixiinta beesha caalamka ayeey ku dalbadeen qoddobo dhowr ah oo ka dhan ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka.

Sidoo kale qoraalka ayeey ku dalbadeen in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdadii 19kii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho oo ciidamada dowladdu isku hortaageen dibadbax ay doonayeen mucaaradku in ay k a dhigaan fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Sidoo kale waxaa ay dalbadeen in madaxweynaha dowladda Soomaaliya awooda ama talada dalka ku wareejiyo Gole Qaran iyo waliba in midowga Musharixiinta qeyb ka noqdaan wada hadallada la xiriira doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa ku jira dalabka midowga musharixiinta in ay gabi ahaanba is casilaan taliyayaasha Militariga, Booliiska iyo Nabad-sugida madaama ay ku lug lahaayeen weerarkii midowga musharixiinta ee Jimcihii toddobaadkii hore dhacay. 

 

 

 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]