4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2021
War laga soo saaray kulankii Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta

 

Khamiis, Feberaayo, 25, 2021 (HOL) -  Warmurtiyeed ka kooban ilaa lix qodob ayaa ugu danbeyntii laga saaray shir saacado badan qaatay oo Hotel Decale ee magaalada Muqdisho uga soconayay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo midowga Musharixiinta.

Kulanka oo lagu lafa-guray arrimo dhowr ah ayaa lagu heshiiyay ugu danbeyntii dib loo dhigo dibadbax lagu waday in maalita Barri ah mucaaradku ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon, iyadoo dhinaca kalana Xukuumaddu sheegtay in ay ka xun tahay wixii dhacay 19kii bishan, islamarkaana loo saarayo guddi arintaa soo baara.

Waxaa kaloo ay dhinacyadu ku heshiiyeen in la sii anba-qaado kulamada xalka loogu raadinayo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho wadar ogol ah oo dhinacyada oo dhan ku qanacsan yihiin.

 

 

 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]