4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2023
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo aqoonsigii kala laabtay Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida
 

Jimco, February, 3, 2023 (HOL) - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa gabi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaantay Urur la magac baxay Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida, iyadoo ku tilmaantay mid aan sharci ahayn.

Haddaba Warqad goor dhawayd kasoo baxday  Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida, ayaa lagu sheegay in Ururkaas la magac baxay Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida uusan haysanin wax sharciyad ah, islamarkaana aysan ka diiwaan gashanayn heer degaan iyo heer dalba.

Waxa kale oo lagu xusay Warqadda kasoo baxday Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida, in Ururkaasi uu maalmahan billaabay waxa uu ku tilmaamay Xafiisku abaabul iyo kicin bulsho oo ay sheegeen in lagu marin habaabinayo xasiloonida degaanka Soomaalida.

Ugu dambayn, Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa faray dhammaan hay'adaha amniga ee degaanka Soomaali in talaabo sharci ah laga qaado Ururkaas la magac baxay Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida.

Ururkan ayaa la aasaasay wixii ka dambeeyay isbaddelkii ka hana qaaday dowlad degaanka Soomaalida iyo dalka Itoobiya, waxaana ku midaysnaa ururkan qaar kamid ah Wariyayaasha ka howlgala degaanka Soomaalida, oo intooda badan dhawaan dowladdu ay ka xannibtay shaqadii ay degaanka ka hayeen, iyadoo u cuskatay inaysan wax ruqsad ah ka haysan heer degaan iyo heer federaal midna.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli maalmo ka hor la xannibay dhawr Warbaahinnood oo madax banaanaa oo ka howlgali jiray dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo Xukuumada dowlad degaanka Soomaalidu ku eedaysay inaysan wax fasax ah ama ruqsad ah ka haysan Xafiiska Maamulka Warbaahinta ee Itoobiya, kaas oo bixiya fasaxa ay Warbaahin madax banaan oo dibadda laga leeyahay ay kaga shaqayn karto gudaha dalka Itoobiya.