4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2023
Baaq rasmi ah oo kasoo baxay shirkii magaalada Laascaanood uga socday Isimada SSC

Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Baaq ayaa kasoo baxay shirkii magaalada laascaanood uga socday Isimada gobolada SSC, iyagoo ku dhawaaqay go'aano culus.

Isimada SSC ayaa ku dhawaaqay in aysan ka tirsanayn Somaliland iyo gooni istaageeda. Waxay sheegeen in laga bilaabo maanta ay katirsan yihiin dowladda federalka Soomaaliya, dhulkoodana lagu maamulidoono dastuurka Soomaaliya.

Baaqa kasoo baxay shirka magaalada Laaacaanood, waxaa lagu sheegay Somaliland inay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxdo dhulka SSC.

Isimadu waxay sheegeen in maamulka lagu wareejinayo dowladda federalka Soomaaliya inta laga dhameystirayo dastuurka Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso war baaqa laascaanood.