4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2023
Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo la hakiyay
 

Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye ayaa soo saaray amar lagu  hakinaayo duulimaadyada diyaaradaha sida maalin laha ah uga dagi jiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

War qoraal oo kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in hakinta duulimaadyada diyaaradaha garoonka Baledweyne ay la xariirto dib u dayactir lagu sameynayo garoonka oo socon doonta mudo hal todobaad ah oo ka bilaabaneysa Maanta oo Isniin ah, islamarkaana ku eg Isniinta dambe.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Baledweyne ay soo gaareen wafdi ay hoggaamineysay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal, kuwaas oo Baledweyne u yimid qiimeynta dhismaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Wasiiradda iyo wafdigii la socday ayaana kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, waxayna sheegtay in burburka ka muuqda qeybta diyaaradaha ku ordaan awgiis halis ugu jiro garoonka in uu xirmo, iyadoona balan qaaday in maalmo kadib wajiga koobaad ee dhismaha garoonka uu bilaaban doono, lana hakin doono dhamaan duulimaadyada diyaaradaha.

Garoonka diyaaradaha Baledweyne oo ka mid ah garoomada ugu duulimaadyada badan Soomaaliya ayaa sanad walba xirma marka la gaaro xili roobaadka, maadama garoonka ay dhex fariistaan biyaha roobka, hayeeshee lama oga waxa uu ka badali doono dhismahaan ay haatan hormuudka ka tahay dowladda Soomaaliya ee lagu dayactiraayo garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle:-