4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2023
Garaad Jaamac Garaad Cali oo shacabka Laascaanood ugu baaqay in ay is difaacaan
 

Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Garaadka Guud ee beelaha daga gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ayaa shacabka ugu baaqay in is difaacaan oo ay la dagaalamaan Ciidamada Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo badhtamaha Laascaanood shacabka kula hadlay, ayaa shacabka ugu baaqay in ay dagaalamaan, oo ay is difaacaan kadib markii uu magaalada saaka dagaal ka qarxay.

"Ninka walaaladii lagu laynayo halkaa ee amarka sugayaa waa fulay, gala dagaalka maxaad sugaysa, oo dadkiina difaaca, oo dhiigiina difaaca, oo caadhkiina difaaca, ka hortaga oo difaacda dalkiina iyo dadkiina" ayuu yidhi Garaad Cali.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa isaguna dhankiisa shacabka ugu baaqay in ay is difaacaan, garaadka ayaa sidoo kale ku baaqay in xabada la joojiyo.

Xukuumada Somaliland ayaa saaka sheegtay in maleeshiyaad ka amar qaata garaadadu ay weerareen xeryaha ciidamada, kadibna uu sida u qarxay dagaal ilaa hada socda, garaadada ayaa dhankooda sheegaya in lasoo weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen dagaalka saaka Laascaanood ka qarxay, dagaalka ayaa imanaya xili garaadadu soo saareen bayaan ka dhan ah joogitaanka Somaliland ee gobolka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]