4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2023
Faahfaahin dagaal xooggan oo mar kale saakay dib uga qarxay magaalada Laascaanood
 

Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada SSC ayaa saakay mar kale dib uga qarxay magaalada Laascaanoood ee gobolka Sool.

Waxaa lasoo sheegayaa in dagaalkani uu ka xooggan yahay midkii shalay, waxaana jira in gurmadyo kala duwan ay labada dhinac heleen.

Dagaalka ayaa hadda ka socda aagga buurta sayidka, halkaas oo shalay uu ka dhacay khasaaraha ugu badan ee kala gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Wararku waxay sheegayaan in saraakiil ciidan oo kamid ahaa Somailand ay ku biireen dhinaca SSC, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku sugan Laascaanood.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa warbaahinta ka sheegay inay Puntland taakulo dhinac kaste ah ka geysatay wuxuu ugu yeeray halganka ka socda magaalada Laascaanood.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, waxaase jira in dagaalkii shalay ay ku dhinteen in ka badan 50 ruux oo u badan dhinacyada dagaalamayay.

Wixii faahfaahin ah la socda.