4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2023
Faahfaahino kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad kooban oo xalay degmada Heliwaa ku dhexmaray ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo rag hubeysan oo la sheegay iney ka tirsanayeen kooxda Al-shabaab.

Iska hor imaadka ayaa dhacay kadib markii ragga hubysan oo ahaa sadax ruux ay weerar ku qaadeen barkoontarool oo ciidanka Booliiska ku lahayeen Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir oo war qoraal ah kasoo saaray weerarkaasi waxay sheegeen in ciidanka ay iska difaaceen, islamarkaanka ciidanka halkaasi ku dileen mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday oo watay qoriga loo yaqaano Baasuukaha.

"Kooxdaan Khawaarijta ah ee weerarka kusoo qaaday Barta Kontorool ee ciidanku ka sugayaan amniga ayaa isku dayay in ay la dagaalamaan ciidanka, balse ciidanka ayaa mid kamid toogtay, dhagarqabaha la toogtay ayaa watay qori RBG ah oo hadda ay la wareegeen ciidanka booliska Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir.

Majirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada weerarkaan Xalay ka dhacay degmada Heliwaa, waxuuna kusoo beegmaya weerarkan iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya ay si weyn u kordhiyeen mudooyinkii dambe howlgalada xiliga habeenkii ah ay ka sameeyaan xaafadaha iyo degmooyinka magaalada Muqdisho.