4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2023
Dad badan oo degmada Afmadoow ugu geeriyooday Cudurka Shuban Biyoodka

Khamiis, Maarso, 23, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi saacadahii lasoo dhaafay dad badan ugu geeriyoodeen cudurka Shuban biyoodka.

Inta la xaqiijiyay 17 ruux oo isugu jira Caruur iyo dad waa weyn ayaa u geeriyooday Cudurka Shuban biyoodka oo dilaacay degmada Afmadoow iyo deegaanada hoostaga, waxaana xarumaha Caafimaadka degmadaasi jiifa bad fara badan oo la ildaran Shubanka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland Maxamed Cismaan Jeemis oo dhawaan gaarsiiyay degmadaasi deeq Daawo ah ayaa sheegay in dadka uu soo ridanayo shuban biyoodka ay sii kordhayaan marba marka ka dambeysa.

"Dhimashada haatan waxay mareysa 17 ruux dad badana way la ildaran yihiin Shubanka oo mar walba dadka uu soo ridanayo ay sii kordhayaan, maadama Ceelashii biyaha maca ay gureen oo biyaha la cabo haatan ay yihiin kuwa dhanaan ah taasoo sii kordhineysa in cudurka uu kordho dadka uu soo rosanayo" ayuu yiri Wasiir Maxamed Cismaan Jeemis.

Wasiir Jeemis ayaa sidoo kale sheegay in daawada ay gaarsiyeen Afmadoow ay haatan tahay gabagabo, islamarkaana ay aheyd mid diyaarad ay ku geeyeen degmada oo aanan dabooli karin baahida ka jirta degmada iyo deegaanada ku teedsan oo uu ka jiro cudurka Shuban biyoodka, wuxuuna dalbaday in gargaar kale lala soo gaaro degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.