4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2023
Dowladda Soomaaliya oo baaraysa shirkado ku eedysan inay documentiyo been abuur ah u sameysteen qandaraaska xajka

Khamiis, Maarso, 23, 2023 (HOL) - Qoraal maanta kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in xafiisku baaris ku hayo shirkado lagu tuhmayo in ay sameeyaan documents been abuur ah si ay uga qeyb galaan Tartanka adeegga Xajka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Soomaaliya, ayaa ku wargaliyay hay’adaha ay baaristaan qusayso inay si degdeg ah usoo gudbiyaan warbixinnada quseeya baaristaan, si ay dowladdu waajibaadkeeda uga gudato dadka ku lugta leh arrimahan.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa digniin u jeediyay shirkadaha nuuc kaste oo ay yihiin inay ka feejignaadaan dekumentiyada been abuurka ah.

Warkan kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa yimid, xilli shirkado badan oo dalka ku sugan ay loolan ugu jiraan inay ku guulaystaan qandaraaska xujeyda.

Kumanaan Soomaali ah ayaa sanad walba soo guta acmaasha xajka.

Shirkadaha duulimaadyada ee hela qandaraaska xajka ayaa xujeyda ka qaata lacag kor u dhaafaysa shan kun oo dollar oo ah adeegga xujeyda dalka ka dhoofaysa.