4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2023
Dowladda Itoobiya oo Getachow Reda u magacowday inuu hoggaamiyo maamulka kumeel gaarka ah ee uu yeelanayo gobolka Tigray
 

Khamiis, Maarso, 23, 2023 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa maanta u magacowday Getachow Reda inuu noqdo Madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee gobolka Tigray, sida lagu sheegay war goor dhaweyd kasoo baxay Xafiiska Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed.

Getachow Reda oo horey xilal kala duwan uga soo maray dowladda Itoobiya ka hor colaaddii dhex martay TPLF iyo dowladda Itoobiya sidoo kalena colaaddii kaddib ahaa Afhayeenka TPLF, ayaa haatan hoggaamin doona xukuumadda ku meel gaarka ah ee uu yeelanayo gobolka Tigray, ilaa laga gaarayo doorashada soo socota.

Dhinaca kale kooxda TPLF ayaa maalmo ka hor iska soo dhex xulatay Getachow Reda inuu hoggaamiyo maamulka cusub ee uu yeelanayo gobolka Tigray, iyadoo hoggaamiyaha TPLF Debretsion uu sheegay in maalmo gudahood la howlgalin doono maamulka cusub ee gobolka Tigray.

Magacaabista Getachow Reda ayaa kusoo hagaagaysa maalin un kadib markii dowladda Itoobiya ay kooxda TPLF ka saartay liiska Argagaxisada, oo dowladdu ay ku dartay xilligii uu socday dagaalkii Waqooyiga Itoobiya.

Getachow Reda ayaa hoggaanka maamulka Tigray kala wareegaya saaxiibkii ay ka wada tirsanaayeen TPLF Debretsion, isla markaana u ahaa Afhayeenka, Debretsion ayaa isagu arrintan soo dhaweeyay maadaama qofka uu xilka ku wareejinayo uu yahay ama kamid yahay kooxda TPLF.

TPLF ayaa horey siyaabo kala duwan usoo maamuli jirtay dalka Itoobiya, iyagoo mar kasoo maray Ra'iisal wasaaraha Itoobiya, marar kalena si dadban gacanta ugu hayn jiray siyaasadda geeska Afrika.