4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2023
Faysal Cali Waraabe oo sheegay in ay talo xumo sababtay colaada Laascaanood

Khamiis, March, 23, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in colaada Laascaanood ay sababtay talo xumo ay sameeyeen madaxweyne Biixi iyo garaadada Laascaanood.

Guddoomiyaha ayaa garaadada ku canaantay in ay masuul ka yihiin, dhibaatada ka taagan Laascaanood, wuxuuna sheegay in talo xumadii xukuumada ay talo xumo kaga jawaabeen.

"Waxan garaadada leeyahay Alle ka cabsada, umada masaakiinta ah ee guryahoodii ka qaxday maanta, anoo ogaa barwaaqada ay ku noolaayeen, maantana dadkoodii ay qoxoonti yihiin, anuu Alle badine aad badeen, madaxweynaha Somaliland taladiisii xumayd iyo idinka oon ka dhicin" ayuu yidhi Faysal.

Faysal waxa uu sheegay in loo bahanyahay in xabad joojinta la ilaaliyo, isla markaana la wadahadlo ciidankana la geeyo meeshii laysku afgarto, waxaanu soo jeediyay in ciidamada kale ee gurmad ka ahi ay ka baxaan gobolka.

Waxa uu Soomaalida kale ee  gurmadka u imanaysa Sool u sheegay in aan Somaliland la kala jarjarayn, oo ay ahaanayso mid, isla markaana anay dhacayn in maamulo kale laga dhex sameeyo, sida uu hadalka u dhigay.

Faysal Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayuu si gaar ah, ugu baaqay in uu kusoo noqdo Somaliland isaga oo xukuumadana ugu baaqay in ay la timaado talo xal looga gaadhayo colaada.