4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 24, 2023
Golaha Wasiiradda Jubbaland oo ka shiray xaalada amniga iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab

Jimco, Maarso, 24, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay qodobo kala duwan.

Kulanka golaha Wasiiradda Jubbaland ayaa si qota dheer looga hadlay xaalada amniga guud iyo dagaalada dib u xuraynta ee ka socda Inta badan deegaanada iyo degmooyinka Jubaland oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland.

Golaha wasiiraada ayaa bogaadiyay howlgalada ka socda deegaanada Jubbaland, iyagoona ugu baaqay dadka shacabka iney garab istaagan ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab ee ka talisa deegaanada qaar ee maamulka Jubbaland.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland howlgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen 28 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, islamarkaana ay kuso furteen hub kala duwan sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Golaha wasiirada ayaa sidoo kale kulankooda akhrintii koowaad ku marsiiyay sharciga lagu dhisayo Hay’adda wadooyinka Jubbaland oo ay soo gudbisay Wasaarada howlaha guud iyo guriyaynta, islamarkaana dhawaan Baarlamaanka Jubbaland loo gudbin doono.