4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 24, 2023
Culimadda Ahlu Sunna oo sheegtay iney xiriirka u jareen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya

Jimco, Maarso, 24, 2023 (HOL) - Sheekh Cabdiqaadir Soomoow oo sheegay inuu yahay Afhayeenka Culimadda Ahlu Sunna Waljameeca oo wereysi gaar ah siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay iney jareen xiriirkii wadashaqeynta ee kala dhaxeeyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Sheekh Soomoow ayaa Wasaaradda Diinta ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ku eedeeyay ineysan si sax ah u maareyn tartanka ay shirkadaha u galayaan maamulka Xajka ee sandkaan, isagoona sheegay in tartankaasi loo diiday sharkadahii Culimada Ahlu Sunna oo loo xiray xisbi gaar ah.

"Cabashada aan qabno waxay tahay in Wasaaradda Culimadda Ahlu Sunna ka hor istgaatay inay ka qeybgalaan hannaanka lagu soo xulayo shirkadaha u adeegayo xujeyda Sanadkaan oo ay Wasaaraddu xisbi gaar ah u xirtay oo aysan jirin wax  tartan ah, sida darteed waxaan cadeyneyna inan kala laabanay wadashaqeyntii nagala dhaxeysay Wasaaradda, balse aan taageersanahay dowladda, Wasaaraddana inta ay Cadaalad darada ku shaqeyneyso ama wasiir Mukhtaar iyo Agaasimaha Wasaaraddaas inta xilka laga qaadayo aysan dhici karin inaan la shaqeyno" ayuu yiri Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo sheegay inuu yahay afhayeen Ahlu Sunna.

Eedeyntaan kasoo yeertay Afhayeenka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Wasaaradda Diinta ay sheegtay in shirkaddaha ka soo gudbay wareegga koowaad iney la yeelaneyso wareysiyo si ugu dambeyn loo helo shirkaddaha u adeegaya xujeyda Soomaalida ee sanadkan.

Sanad walba marka la gaaro xiligaan oo kale waxaa soo ifbaxa khilaafaad ka dhasha arriimaha tartanka shirkadaha doonaya iney u adeegaan Xujaayda Soomaalida, waxaana xusid mudan in lacagaha laga qaado Xujaayda Soomaaliyeed iney yihiin kuwa aad u tira badan marka loo eego lacagaha laga qaado Xujaayda dalalka dariska la ah Soomaaliya oo ah kuwa aad u qiimo jaban.