4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 24, 2023
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay caqabadaha hortaagna in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo dalka

Jimco, Maarso, 24, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Al-shabaab ay caqabad ku aheyd in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in deegaanada ay kooxda ka taliso iney ku noolyihiin dad malaayiin ah oo aysan suurtagal aheyn iney ka qeyb qaataan doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka, taasina ay ka mid aheyd caqabadaha hortaagna in doorasho qof iyo cod ah la qabto.

"Al-shabaab dhulka ay maamulaan waxaa ku nool dad maalaayiin ah oo cedeyn laha marka dadkaas in laga tago oo kuwa meelaha dowladda kaliya jooga codeyaan surtagal maheyn oo xata kuwaas ay Al-shabaab dil ugu hanjabaan dadka doonaya in ay ka qeyb galaan doorashooyinka, sida dhacdayba ay horay u dileen dad ka qeyb qaatay doorashooyinkii dadbana ee soo dhacay, dadkaas oo isugu jiray ergo iyo odayaal" ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wuxuu sidoo kale sheegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya in haatan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu wado qorshe ku aadan sidii looga adkaan lahaa oo loo ciribtiri lahaa kooxda Al-shabaab, islamarkaana dalka looga hirgelinaayo doorasho qof iyo cod.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay wado abaabulka iyo diyaar garoowga wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka Ururka Al-shabaab, kaasoo xoogiisa ka bilaaban doona deegaanada maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ay wali ku xoogan yihiin Ururka Al-shabaab.