4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2023
Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay daadad ku dhuftay degmada Baardheere

Sabti, Maarso, 25, 2023 (HOL) - Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay roobaab lixaad leh ay ka da'een degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa halkaasi ka dhashay daadad sababay dhimashada lix ruux oo shacab ah, islamarkaana wali la weysan yahay dadkale oo loo maleynayo iney ku dhinteen daadadka.

Daadadka ayaa sameyn baaxad leh ku yeeshay guud ahaan xaafadaha magaalada Baardheere, waxaana la arkaayay sawiro iyo muqaalo laga soo qaaday Baardheere oo muujinaya xadiga saameynta biyaha inta uu gaarsiisan yahay.

Waxaa sidoo kale magaalada Baardheere ka maqan adeega Korontada degmadaasi oo wararka madaxa banaan ay sheegayaan in loo damiyay si aysan korontada u kordhin khasaaraha dhimashada, maadama baalayaasha qaarkood ay dhulka ku dhaceen.

Dadka reer Baardheere ayaa inta badan u barakacay dhulka taaga ah oo aysan daadadka gaari karin, kadib markii guryahooda inta badan ay ku dumeen daadka ku dhuftay degmada.

Ayaan Maxamed Jaamac oo ah Hooyo Umul aheyd wax ka yar 24 saac marka daadka ku dhufteen magaalada waxay ka mid aheyd tiro dad ah oo iyaga oo hurdaya biyaha usoo galeen guriyahooda, waxayna sheegtay in gurigeeda uu dumay intiisa badan.

“Wax ii soo gurmaday malaha, biyihu waxay nasoo galeen 4 saac oo habeennimo, guryaha ayey noogusoo galeen darbiyaday dumiyeen, qolkii anagu aan ku jirnay umbuu ilaahay nagu badbaadiyey biyahaan ku dhex jirnay ilmahana sariiraa la isu kor saaray oo lagu celcelinayey wax qasare nafeed ah oo isoo gaaray ma jiraan, waxaa burburay guryihii iyo agabkii guryaha yaalay iyo raashinkii cidu quudaneysay, qasaare noocaas ah mooyee wax qasaare nafeed ah nama soo gaarin" ayey tiri Ayaan Maxamed Jaamac.

Ugu dambeyn Ayaan Maxamed iyo Caruurteeda ayaa gurmad helay waaga markuu baryay, waxaana la geeyay oo ay haatan ku sugan tahay dhul taag ah oo aysan biyaha gaarin, hayeeshee halkaasi ayay ku wajaheysa xaalad ka duwan midii ay horay ugu nooleyd.

Maalmo kooban ka hor ayay aheyd markii roobaab ka da'ay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ay ku dhinteen dad gaarayay 10 ruux, taasi oo tirada guud ee dadka daadka ku dhintay ka dhigeya 16 ruux wax ka yar laba todobaad gudahood.