4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ka badan 3,000 Shabaab ah in lagu dilay howlgalladii dib u xoraynta

Sabti, Maarso, 25, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 3,000 oo Al Shabab ah lagu dilay, 3,700 oo kalena lagu dhaawacay tan iyo markii ay bilowdeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay hoggaaminayso dowladda.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, ilaa 70 magaalo iyo tuulooyin ayaa laga saaray Al Shabab, kuwaas oo la wareegeen ciidamada xoogga dalka oo gacan ka helaya dadka deegaanka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladdu sheegtay inay ku sii dhawaanayso wejigii labaad ee weerar milateri oo ka dhan ah kooxda Alshabaab, weeraradaas oo laga fulinayo degaanada K/Galbeed iyo Jubbaland

Dhanka kale, Dowladda waxay sheegtay inay Muqdisho ka bilaabayso howlgalo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga caasimada Muqdisho si loo xaqiijiyo in baxsadka Alshabaab aysan dhibaato uga geysan magaalada iyo shacabka

Wasaaradda amniga ayaa tilmaamtay in howlgalkan uu yahay mid lagu ilaalinayo magaalada iyo dadka shacabka ah, waxaana ay intaa ku dartay in dowladdu ay doonayso in aan la carqaladeyn amniga shacabka inta lagu guda jiro bishan barakeysan ee Ramadaan.