4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2023
Wafdi odayaal ah oo ka tagay Muqdisho oo ku wajahan magaalada Laascaanood

Sabti, Maarso, 25, 2023 (HOL) - Madax dhaqameed ka tagay magaalada Muqdisho ayaa maanta oo sabti ah lagusoo dhoweeyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxayna u tageen Garowe, si ay ugaga sii gudbaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wafdigaan ayaa kulamo la qaadan doona Isimada dhaqanka SSC, kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Garowe, waxayan kadib u socdaali doonaan Laascaanood.

Sida aan xogta ku helnay, Isimada ka yimid Muqdisho, waa guddi isxilqaamay oo xaqiiqo raadin ah, si ay usoo arkaan dhibaatada ka dhacday magaalada Laascaanood, iyo waxa ka jira eedeymaha loo jeedinayo Somaliland ee ku aadan in ciidamadeeda ay xasuuq iyo tacaddiyo badan ka geysteen Laascaanood.

Waa markii ugu horreysay oo guddi ka yimid magaalada Muqdisho ay tagayaan magaalada Laascaanood si ay xaaladda usoo qiimeeyaan.

Horey guddi odayaal ah oo ka tagay magaalada Hargeysa ayay u suurtoobi weyday inay tagaan magaalada Laascaanood, kadib markii garaadada SSC ay sharuud ku xireen in marka hore ay ciidamada Somaliland ka baxaan gobolka Sool.

Socdaalka odayaasha ka yimid Muqdisho, ayaa kusoo aaday xilli xaaladda gobolka Sool ay kacsan tahay islamarkaasna dhinacyada halkaas ku dagaalamaya ay isku hub arursanayaan.