4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2023
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo Baledweyne kaga dhawaaqay wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab
 

Sabti, Maarso, 25, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta dib ugu laabtay magaalada Baledweyne, kadib safar dhaqo oo qaatay mudo sadax bilood ah uu kusoo kala bixiyay magaalooyinka Muqdisho, Kambala iyo Nairobi.

Guddoomiye Jeyte oo shir jaraa'id ku qabtay gudaha magaalada Baledweyne ayaa ku dhawaaqay inuu bilaabanayo wajjga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan Galbeedka gobolka Hiiraan, wuxuuna ugu baaqay shacabka reer Hiiraan iney u diyaar garoobaan dagaalkii ugu dambeeyey ee lagu soo afjari lahaa Al-shabaab.

"Shacabka reer Hiiraan ha u diyaar garoobaan dhameeystirka Al-shabaab anagga iyo shabaab waa Inaan kala adkaana majirto meel dhexe oo la istaagi karo shacabka ha diyaar garoobeen hana xoojiyaan garab istaagidooda ciidanka, bil Ramadaan ayaa lagu jira dagaal surtagal mahan yaanan la oran dagaalka aan ku jirna waa cibaado wuuna bilaabanaya" ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa imaanaya, iyadoo dagaaladii ka dhanka kooxda Al-shabaab ee ka socday Hiiraan iyo inta badan gobolada dalka ay hakad galeen sadaxdii bilood ee lasoo dhaafay, islamarkaana qorshaha uu yahay inuu dhawaan bilaawdo wajiga labaad ee howlgalada guud ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku baaqay dhameystirka howlgalada Shabaab kadib shirweyne wadatashi ah oo ay shacabka reer Hiiraan ku yeelan doonaan magaalada Baledweyne 1-da bisha Julaay ee sanadkaan 2023, kaasoo uu sheegay in looga tashan doono aayaha gobolka Hiiraan.

"Waxaan halkaan idiinka sheegayaa in umadda reer Hiiraan dal iyo dibaad leys kugu yimaado shir wadatashi ah oo aayaha reer hiiraan quseeya si aan uga hadalno waxa inoo danta ah kadib dhameeystirka khawaarijta Al-shabaab ee guud ahaan deeganada gobalka Hiiraan" ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.