4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2023
Golaha wadatashiga qaran oo warmurtiyeed kasoo saaray shirkoodii uga socday Muqdisho

Axad, May 28, 2023 (HOL) - Golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya ayaa xalay goor dambe war saxaafadeed kasoo saaray shirkii uga socday magaalada Muqdisho, iyagoo heshiis ka gaaray arrimaha doorashada.

Golaha wadatashiga waxay sheegeen inay ku heshiiyeen in doorashada soo socota lagu galo nidaamka xisbiyada siyaasadeed, sidoo kalena in la mideeyo doorashooyinka dowladda federalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, inkastoo aan saxaafadda loosoo bandhigin lifaaqa doorashada ee ay ku heshiiyeen golaha wadatashiga qaran.

Balse, lifaaqa doorashada oo ay saxaafadu heshay waxa uu sheegayaa in la mideeyay dooraahooyinka dowladaha xubnaha ka dowladda federalka. Iyadoo laga dhigay soddonka june ee 2024. Tani waxay muujinaysaa in muddo kordhin loo sameeyay hay'adaha dastuuriga ah ee heer federal iyo heer dowlad goboleedka sida ku xusan lifaaqa.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka maqan heshiiskan lagu saxiisay Muqdisho.

Halkaan ka akhriso war murtiyeedka :-