4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2023
Mareykanka oo shaaciyay inuu duqeyn la beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab

Axad, May 28, 2023 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in weerar dhanka cirka ah ay la beegsatay dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo qeyb ka ahaa weerarkii maalin ka hor ka dhacay Saldhiga Buula mareer ay ku leeyihiin ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Uganda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu bur buriyay hub iyo agab kale oo ay kooxda Al-shabaab ka qabsadeen Saldhiga ciidanka ATMIS ee degmada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in duqeynta aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku nool halka ay duqeynta ka dhacday oo aan ka fogeyn degmada Buula mareer.

Qoraalka Taliska Mareykanka ee Africom  laguma cadeyn in duqeynta lagu dilay xubno ka mid ah dagaalyahanada Shabaab iyo in kale.

Dhawaan ayay aheyd markii Taliska Africom uu shaaciyay in hoggaamiye ka tirsan Ururka Al-shabaab lagu dhaawacay duqeyn ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.