4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 29, 2023
Dad isku qoys ahaa oo ku geeriyooday madaafiic ciidanka ATMIS ku garaaceen deegaanka Mudul Baraawe

Isniin, May 29, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka Uganda  ee qeybta ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS in shalay galinkii dambe ay halkaasi ku dileen dad isku qoys ahaa.

Dhimashada dadka isku qoyska ahaa oo gaaraysa ilaa lix ruux oo ah Caruur wada dhalatay ayaa timid kadib markii ciidanka Uganda ee Saldhiga ku leh deegaanka Ambareeso ee duuleedka magaalada Baraawe ay madaafiic xoogan ku garaaceen deegaanka Mudul Baraawe.

Mid ka mid ah madaafiicda ayaa la xaqiijiyay inuu ku habsaday guriga Caruurtan isku qoyska ahaa ee halkaas ku wada geeriyootay, waxaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen dad kale oo qoyska ka mid ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidanka Uganda ay Madaafiic ku garaacaan deegaanka Mudul Baraawe, hayeeshee warar aanan la xaqiijin ayaa sheegaya in nawaaxiga deegaankaasi ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku galeen Saldhiga ciidanka Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo geystay khasaare badan oo soo gaaray ciidanka Uganda.

Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan madaafiicdaan ay ku dileen ciidanka Uganda dadka shacabka ah ee isku qoyska ahaa.