4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 29, 2023
Farmaajo oo ka hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka

Isniin, May 29, 2023 (HOL) - Madaxweynahii hore ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay go'aanadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho kusoo gabagaboobay ayaa si diiran usoo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay shirka Wadatashiga qaran, gaar ahaan qodobka la xariira arrimaha doorashooyinka dalka.

Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiska doorashada ee dhigaya doorasho qof iyo cod ah iney ka dhaceyso dalka, islamarkaana dalka uu yeelan doono madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

"Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, taas oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan" ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dhamaan go'aanadii kasoo baxay madasha wadatashiga qaran iney yihiin qodobo masiiri ah si toos ah u taabanaya Dastuurka, islamarkaana wax ka badalaya qaab dhismeedka dowladda Soomaaliya.

”Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL)" ayuu yiri madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

In kastoo uu soo dhaweeyay Farmaajo qodobadii kasoo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaran ayaa hadana waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay ka soo horjeesteen qodobadii kasoo baxay shirka wadatashiga qaran, kuwaas oo sheegay in madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada iney doonayaan mudo kororsi.