4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 29, 2023
Bayaan loogasoo horjeedo heshiiskii doorasho ee golaha wadatashiga oo ay soo saareen masuuliyiin hore

Isniin, May 29, 2023 (HOL) - Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaarayaal hore, xidhibaano iyo sidoo kale siyaasiyiin horey xilal usoo qabtay ayaa ka soo horjeestay go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashada, iyagoo ku tilmaamay kuwa baalmarsan shuruucda dalka iyo awood qeybsiga.

Shakhsiyaadkan ayaa bayaan ay soo saareen waxay soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada dastuuriga ah ee dalka ay shaqadoodu kasoo bilowdaan hey’addaha u asteysan lagana tala geliyo bulsha Soomaaliyeed.

Waxay bayaankooda baaq ugu soo jeediyeen labada aqal ee barlamaanka, iyagoo ugu baaqay inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, si ay dalka uga badbaadiyaan waxay ugu yeereen damac kaste oo aan u adeegayn dowlad dhiska Soomaaliya.

Waxay Dowladda ugu baaqeen in marka hore mudnaanta lasiiyo in dalka laga xoreeyo Alshabaab, si degaanada la xoreeyo loo gaarsiiyo dowladnimada.