6/10/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2023
Willian Ruto: Waa inaan baabi'innaa shabakadaha argagixisada Soomaaliya
 

Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisada Geeska Afrika uu u baahan yahay dadaal wadajir ah.

Willian Ruto ayaa xusay in gobolku uu qaato istiraatijiyad mideysan oo lagula dagaalamayo argagixisada iyo dambiyada la xiriira.

Wuxuu sheegay in dadaal wadajir ah, madaxdu ay awood u leeyihiin in ay dib u dhisaan bulshooyin xasiloon oo ay sugaan wanaagga dadka.

"Waa inaan burburinaa shabakadaha argagixisada iyo kaabayaasha taageerada dhaqaale; tani waa in lagu dhamaystiraa ka hortagga xagjirnimada iyo faafinta xagjirnimada,” ayuu yidhi.

"Waxaan ugu hambalyeyneynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud is bedelka istaraatiijiyadeed iyo guusha hadda ka muuqata qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya," ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Madaxweyne Ruto ayaa Soomaalida ka codsaday inay si geesinimo leh ugu kacaan sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen Al-Shabaab.

Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay ka-qaybgalka bulshada deegaanka ee ka hortagga Al-Shabaab ay tahay mid aad u geesinimo leh oo cajiib ah.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay Arbacadii magaalada Muqdisho oo uu ka dhacay shirka madaxda dalalka safka hore ee Soomaaliya oo looga hadlay dadaallada ciribtirka argagixisada Soomaaliya.












Click here
2/2/2023 9:10 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Isimada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ee shirku Laascaanood uga socdo, ayaa sheegay in anay aqbalayn dhexdhexaadin madaxweynaha Jabuuti.

2/2/2023 6:38 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee ay soo saartay hay'adda Transparency International (TI).

2/2/2023 6:11 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadu anay ogolaaynayn in nabadgalyada Laascaanood ay khal-khal gasho.

2/2/2023 4:40 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) -Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in ciidanka magaalada Laascaanood looga saaray si anay dadku u dareemin cabudhin.

2/2/2023 4:33 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ee ku sugan Xeebaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

2/2/2023 3:09 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku amaanay, dadaalo dhexdhexaadineed oo uu ka wado xiisada ka taagan Laascaanood.

2/2/2023 1:31 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah xukun dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya.