4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2023
Urur goboleedka IGAD oo madaxweynaha Jabuuti ku amaanay dhexdhexaadin uu ka sameeyay xaalada Laascaanood

Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku amaanay, dadaalo dhexdhexaadineed oo uu ka wado xiisada ka taagan Laascaanood.

Xogeeyaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in xiisada Laascaanood ay ururka ku abuurtay walaac, isaga oo sheegay in ay u baahantahay in fiiro gaar ah loo yeesho, si xal nabadeed laga gaadho.

"Sidookale waxaanu soo qaadanayna xiisada ka dhawaanahan ka jirtay Laascaanood, taasi oo walaac abuurtay, marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay, xaalada Somaliland waxay u baahan tahay in fiiro gaar ah oo ku aadan heshiis nabadeed laga yeesho" ayuu yidhi Gebeyehu.

Xogeeyaha ayaa bogaadiyay dadaalo dhexdhexaadin ah oo uu madaxweynaha Jabuuti ka wado xiisada Laascaanood, waxaanu sheegay in ururku uu Geelle ku dhiirigalinayo in uu sii wado dhexdhexaadinta.

"Hada IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadineed ee ilaa hada uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku dhiirigalinaysa in uu sii wado dhexdhexaadinta" ayuu yidhi Gebeyehu.

Xiisada Laascaanood ayaa wali taagan, isla markaana salaadiinta dhaqanka ee gobolada Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ayuu shir lagaga tashanayo masiirka siyaasadeed ee bulshada deegaanadan dagta uga socda isla magaalada.

Ciidamada Somaliland ayaa magaalada dibada ka jooga, waxaana magaalada dhex  gaaf wareegaya Ciidamada taabacsan isimada dhaqanka oo hubaysan, waxaana loo dhagtaagayaa waxa kasoo baxa shirka madaxda dhaqanka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]