12/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2023
Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay waddamada ugu musuq maasuqa badan sanadkii 2022
 

Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee ay soo saartay hay'adda Transparency International (TI).

Marka loo eego qiimeynta musuq-maasuqa ee 2022 (CPI), Soomaaliya ayaa ah dalka ugu musuq-maasuqa badan, waxaana kaalinta labaad ku jira dalalka Koonfurta Suudaan iyo Suuriya.

CPI waxay qiimeysay 180 dal iyadoo lagu salaynayo heerka uu le'eg yahay musuq maasuqa hay'adaha dawliga ah, taasoo keentay in lagu qiyaaso 0 musuq maasuq ilaa 100 musuqmaasuqa.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in inta badan dalalka ay ku guuldareysteen inay joojiyaan musuqmaasuqa, iyadoo 95 boqolkiiba aysan wax horumar ah sameyn tan iyo 2017-kii.

Warbixintu waxa ay Danmark ku tilmaantay dalka ugu musuq-maasuqa yar caalamka, waxaana ku xiga Finland iyo New Zealand, oo labadooduba ku siman yihiin kaalinta labaad.

“Bulshooyinka dimuqraadiga ah waxay kor u qaadi karaan codkooda si ay gacan uga geystaan ciribtirka musuqmaasuqa waxayna dalbanayaan adduun ammaan ah,”ayuu yiri madaxa Transparency International, Daniel Eriksson.

Hay’adda IT ayaa ku tilmaamay musuqmaasuqa inuu yahay sababta ugu weyn ee nabada aduunka u wiiqantay, iyadoo carrabka ku adkeeysay in nabada caalamku ay sii xumaanaysay 15-kii sano ugu dambeeyay.

Sannadkii hore, dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo hay'adaha dowladda ay ogolaadeen musuqmaasuqa.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray warbixin muujineysa in maamulka South Sudan ay musuq maasuqeen lacag dhan 73 milyan oo dollar tan iyo sanadkii 2018-kii.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa waxaa daba socday heshiis musuq-maasuq oo weyn oo lagu eedeeyay madaxweyne Salva Kiir inuu ku amray wasiirkiisii maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha Athian Diing inuu baabi'iyo dammaanad lacageed oo madax-bannaan oo ku kacaysay $650 milyan.












Click here
2/2/2023 9:10 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Isimada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ee shirku Laascaanood uga socdo, ayaa sheegay in anay aqbalayn dhexdhexaadin madaxweynaha Jabuuti.

2/2/2023 6:11 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadu anay ogolaaynayn in nabadgalyada Laascaanood ay khal-khal gasho.

2/2/2023 4:40 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) -Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in ciidanka magaalada Laascaanood looga saaray si anay dadku u dareemin cabudhin.

2/2/2023 4:33 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ee ku sugan Xeebaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

2/2/2023 3:09 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku amaanay, dadaalo dhexdhexaadineed oo uu ka wado xiisada ka taagan Laascaanood.

2/2/2023 1:31 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah xukun dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya.

2/2/2023 1:09 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisada Geeska Afrika uu u baahan yahay dadaal wadajir ah.