6/10/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2023
10 sano kadib Kenya oo ku dhawaaqday iney dib u fureyso xaduuda ay la wadaagto Soomaaliya
 

Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa shaacisay inuu gabagabo marayo qorshe ay dib ugu fureyso xaduuda Mandhera ay kala wadaagto Soomaaliya, islamarkaana qeyb ka ah dadaalada lagu hagaajinaayo amaanka xaduuda iyo la dagaalanka badeecooyinka koontarabaanka ah.

Talaabadaan ayay Kenya sheegtay iney ku timid wadatashiyo heer sare ah oo ay yeesheen labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka amniga gudaha dalka Kenya Kithure Kindiki oo ka hadlaayay booqasho uu ku tagay magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in dib u furitaanka xadka Soomaaliya iyo Kenya uu wax badan ka badali doono amaanka xaduuda.

“Waxaan faray kooxaha ammaanka ee gobolka inay la fariistaan hay’adaha dowladda ee halkan u jooga oo ay ka mid yihiin kuwa xudduudda, iyo socdaalka, ayna qiimeeyaan shuruudaha ay ku soo gudbiyaan macluumaadka muddo toddobaad gudihiis ah, si ay noogu suurtagasho in aan dib u habeyn ku sameyno xaruumaha xudduudaha oo aan dib u bilowno soohdinta" ayuu yiri wasiirka amniga gudaha dalka Kenya Kindiki.

Sanadkii 2012-kii ayay aheyd markii dowladda Kenya ay xirtay dhamaan xaduudaha dhulka ah oo ay la wadaagto dalka Soomaaliya, si ay uga hortagto weerarada kooxda Al-shabaab ay ka geystaan gudaha dalkaasi Kenya.

Wasiirka amniga gudaha Kenya ayaa sidoo kale faray maamulka magaalada Mandhera iyo Odayaasha dhaqanka in looga baahan yahay iney ka qeyb qaataan howlgalada lagu xaqiijinaayo amaanka.

"Waxaan farayaa kooxda amniga ee Kowntiga in ay la fariistaan ​​madaxda siyaasadda iyo odayaasha qorshe ay hagi doonaan madaxda bulshada iyo odayaasha, si looga sifeeyo maleeshiyada hubeysan ee Mandheera iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari" ayuu yiri Wasiir Amniga dalka Kenya Mr Kindiki.












Click here
2/4/2023 9:47 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgalo qorsheysan oo ay Maanta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland ka sameyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

2/4/2023 5:05 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay inay ka xun yihiin dil askari katirsan ciidankooda uu ka geystay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

2/4/2023 2:02 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa qoraal uusoo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, waxa uu kaga hadlay arrimo maalmahan ka taagnaa gudaha dowlad degaanka Soomaalida, kuna saabsanaa Saxaafadda iyo tallaabooyin ay dowladsiisu ka qaaday qaar kamid ah Saxaafadda ka howlgasha degaanka Soomaalida.

2/4/2023 12:36 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo ku dhawaad labo todobaad ka hor ay ciidamada Mareykanka ku dileen buuralayda gobolka Bari ee Puntland, ayaa tooshka ku ifiyay shabakad maaliyadeed oo ka jirta Geeska Afrika sida uu sheegay sirdoonka Maraykanka.

2/4/2023 12:20 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa muddo labo sano ah kaddib markii u horreysay waxa uu la kulmay madaxda u sarreysa ee TPLF, kulankan waxaa ku wehelinayay masuuliyiin sare oo kamid ah xukuumadda Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed.