9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2023
Madaxweyne Mustafe Cagjar "Magac Suxufi cid ku xoogsanaysa oo sifo sharci ah aan ku joogin degaanka lama oggola"
 

Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa qoraal uusoo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, waxa uu kaga hadlay arrimo maalmahan ka taagnaa gudaha dowlad degaanka Soomaalida, kuna saabsanaa Saxaafadda iyo tallaabooyin ay dowladiisu ka qaaday qaar kamid ah Saxaafadda ka howlgasha degaanka Soomaalida.

Ugu horreyn Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu sheegay in dowlad degaanka Soomaalida ay ka jirto Xorriyatul qawl uu ku tilmaamay mid dibiro dhacsanaysa, oo aan ahayn middii loo baahnaa, isla markaana keeni karta dhibaato iyo fowdo, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Waxa kale oo Madaxweynuhu sheegay in qofka saxafiga ah looga baahan yahay inuu u hoggaansamo shuruucda u yaal goobta uu ka howlgalayo, isagoo xusay in saxafiga aan sharci wadan uusan degaanka ka howlgali karin " Magac suxufi cid ku xoogsanaysa oo sifo sharci ah aan waliba ku joojin deegaanka lama ogola". ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Saxaafaddu ay leedahay xuduud qabata, haddii xuduuddaas ay dhaaftana ay noqonayso Fowdo, isagoo yiri " Saxaafad xor ah maaha saxaafad aan xad lahayn. Meela kama jirto Adduunka xorriyad ayna ku ladhnayn masuuliyadd. Xorriyad aysan la socon masuuliyadna waxay noqonaysaa fowdo".

Ugu dambayn, Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa xusay in dowlad degaanka Soomaalidu u baahan yahay Saxaafad xor ah, ee aan loo baahnayn mid xoogsato ah, oo kolba xaaladda lagu jiro mid caksigeed ah sheegta " Waxaynu u baahan nahay Saxaafad xor ah; uma baahnin saxaafad xoogsata ah oo iyadoo gudcur dam ahna tidhaa waa cadde; iyadoo cadde ahna tidhaa waa gudcur 15 ah". ayuu yiri Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Hadalladan Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli madmadaw uusoo kala dhex galay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida iyo Saxafiyiinta ka howlgala degaanka Soomaalida, iyadoo dowladduna ay maalmahan qaaday tallaabooyin ay ku sheegtay inay ku turxaan bixinayso Saxaafadda degaanka Soomaalida, taas oo u cuntami wayday qaar kamid ah Wariyayaasha madaxa banaan ee dhawaan laga xanibay shaqadii ay degaanka ka hayeen.












Click here
2/4/2023 9:47 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgalo qorsheysan oo ay Maanta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland ka sameyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

2/4/2023 5:05 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay inay ka xun yihiin dil askari katirsan ciidankooda uu ka geystay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

2/4/2023 1:56 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa shaacisay inuu gabagabo marayo qorshe ay dib ugu fureyso xaduuda Mandhera ay kala wadaagto Soomaaliya, islamarkaana qeyb ka ah dadaalada lagu hagaajinaayo amaanka xaduuda iyo la dagaalanka badeecooyinka koontarabaanka ah.

2/4/2023 12:36 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo ku dhawaad labo todobaad ka hor ay ciidamada Mareykanka ku dileen buuralayda gobolka Bari ee Puntland, ayaa tooshka ku ifiyay shabakad maaliyadeed oo ka jirta Geeska Afrika sida uu sheegay sirdoonka Maraykanka.

2/4/2023 12:20 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa muddo labo sano ah kaddib markii u horreysay waxa uu la kulmay madaxda u sarreysa ee TPLF, kulankan waxaa ku wehelinayay masuuliyiin sare oo kamid ah xukuumadda Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed.