4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2023
Taliska ATMIS oo war kasoo saartay dil askartooda u geysteen qof shacab ah
 

Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay inay ka xun yihiin dil askari katirsan ciidankooda uu ka geystay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Baaritaano horudhac ah oo la sameeyay ayaa lagu sheegay in falkaan dilka ah uu yimid kadib markii sida ay sheegeen qof aan la aqoonsan uu ku tuuray shay laga shakiyay mid ka mid ah gawaarida ATMIS.

ATMIS waxay sheegtay in ay askartu rasaas kaga jawaabaan falkan, taasoo keentay geerida qofka shacabka oo ay ATMIS sheegtay inay ka shakiyeen.

ATMIS ayaa sheegtay in ay bilowday baaritaan madax banaan oo ku saabsan sida ay wax u dheceen waxayna ku baaqeen in la dejiyo xaaladda iyadoo natiijooyinka kasoo baxana ay la wadaagi doonaan dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, qoyska marxuumka uu ka geeriyooday ayaa ku eedeeyay ciidamada ATMIS inay si bareer ah u dileen wiilkooda, waxayna dalbadeen inay caddaalad helaan.