3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 5 , 2023
Khilaafka doorashada Puntland oo lugaha la galay ciidamada amniga
 

Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashada Puntland ayaa lugaha la galay ciidamada, kaddib markii xalay sarkaal katirsan ciidamada uu ka horyimid diiwaan galinta doorashada qof iyo cod.

Xalay warqad kasoo baxday sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Jimcaale Jamaac Takar oo sheegtay inuu yahay taliyaha ciidamada Danab ee Puntland ayaa ka digay wuxuu ugu yeeray diiwaan galin hubaysan oo laga sameeyo magaalada Garowe

Sarkaalkan oo deegaan ahaan kasoo jeeda Garowe islamarkana madax u ah ciidamo maleyshiyo beeleed ah ayaa xiriir dhow laleh siyaasiyiin kasoo horjeeda  doorashada, siyaasiyiintaas oo ay ku jiraan kuwo xilal sare kasoo qabtay golaha wasiiradda Puntland.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli labo cishe kadib lagu wado inay magaalada Garowe ka bilaabato diiwaan galinta dooraahada qof iyo cod ee dowladaha hoose.













Click here
2/5/2023 10:15 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.

2/5/2023 9:38 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Qaar kamid ah Mucaaradka dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhaliilo u badan dhanka Saxaafadda usoo jeediyay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida.

2/5/2023 7:25 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Cabdirashiid Cali Xiiray "Abeesa Dhuuni" oo ahaa sarkaal ciidan oo horjooge u ahaa ciidamo si iskood ah qoriga ugu qaatay si ay Alshabaab uga xoreeyaan gobolka Sanaag ayaa qarax miino lagu dilay.

2/5/2023 5:54 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Dadwayne cadhaysan ayaa saaka iskugu soo baxay wadooyinka degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ee Somaliland, kadib dil ay ciidamada booliisku u gaysteen qof shacab ah.

2/5/2023 5:38 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Sharci-dajiyayaasha Soomaali-Mareykan ee ku sugan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa cambaareeyay tallaabada Ilhaan Cumar looga saaray xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee Koongareeska.

2/5/2023 3:33 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha reer xaaji saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan Beesha Habargidir ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay maamul u sameynta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

2/5/2023 12:11 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - War murtiyeed kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa heshiis looga gaaray khikaafkii xooganaa ee ka dhashay doorashada maamulkaas.