6/10/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 5 , 2023
Sharci-dajiyaayasha Soomaalida Maraykan oo cambaareeyay go’aanka Ilhaan Cumar looga saaray guddiga arrimaha dibaddda
 

Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Sharci-dajiyayaasha Soomaali-Mareykan ee ku sugan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa cambaareeyay tallaabada Ilhaan Cumar looga saaray xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee Koongareeska.

Sharci-dajiyaashan oo soo saaray bayaan wadajir ah ayaa go’aankaan ku tilmaamay fal cunsurinimo ah iyo Islaam nacayb.

"In loo diido Ilhaan Cumar shaqada guddiga arrimaha dibadda waa fal cunsurinimo ah iyo Islaam nacayb. Waayo-aragnimadeeda Muslim, soo galooti, iyo qaxootinimo waa mid ay wadaagaan malaayiin Maraykan ah oo aan ku jirno, iyo dad badan oo ay matasho,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sharci-dajiyayaasha Soomaalida waxay sheegeen Ilhaan Cumar  inay bartilmaameed u ahayd xaalado cabsi leh iyo weerarro islaam nacayb ah illaa xitaa ka hor intaanay xafiiska ka qabanin Washington.

Waxay sheegeen in xisbiga Jamhuuriga ay kaga xun yihiin Ilhaan Cumar ku jiritaankeeda guddiga arrimaha dibadda, sababtoo ah sinjigeeda iyo haybteeda, waxayna intaas ku dareen inay la kulanto hanjabaad.

Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar ka saaray guddiga arrimaha dibadda Khamiistii, iyagoo tixraacaya hadallo hore oo ay ka sheegtay Israa'iil.

Balse xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in go'aanka GOP uu ahaa mid bareer ah oo lala beegsaday haweeney Muslimad madow ah.












Click here
2/5/2023 10:15 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.

2/5/2023 9:38 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Qaar kamid ah Mucaaradka dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhaliilo u badan dhanka Saxaafadda usoo jeediyay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida.

2/5/2023 7:25 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Cabdirashiid Cali Xiiray "Abeesa Dhuuni" oo ahaa sarkaal ciidan oo horjooge u ahaa ciidamo si iskood ah qoriga ugu qaatay si ay Alshabaab uga xoreeyaan gobolka Sanaag ayaa qarax miino lagu dilay.

2/5/2023 5:54 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Dadwayne cadhaysan ayaa saaka iskugu soo baxay wadooyinka degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ee Somaliland, kadib dil ay ciidamada booliisku u gaysteen qof shacab ah.

2/5/2023 3:33 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha reer xaaji saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan Beesha Habargidir ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay maamul u sameynta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

2/5/2023 12:11 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - War murtiyeed kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa heshiis looga gaaray khikaafkii xooganaa ee ka dhashay doorashada maamulkaas.

2/5/2023 12:05 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashada Puntland ayaa lugaha la galay ciidamada, kaddib markii xalay sarkaal katirsan ciidamada uu ka horyimid diiwaan galinta doorashada qof iyo cod.