4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 5 , 2023
Banaanbaxyo ka dhacay degmada Ceel-afwayn kadib dil loo gaystay qof shacab ah
 

Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Dadwayne cadhaysan ayaa saaka iskugu soo baxay wadooyinka  degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ee Somaliland, kadib dil ay ciidamada booliisku u gaysteen qof shacab ah.

Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee RRU-da ayaa goob magaalada u dhaw ku dilay muwaadin la odhan jiray Abokor Cumar Cali, hadaba booliisku wax faah faafaahin ah kama bixin sababta keentay dhimashada muwaadinkan.

Dadwaynaha isku soo baxay ayaa taayiro ku gubay wadooyinka waa wayn iyadoo qaar koodna ay siteen calanka buluuga ah ee Soomaaliya, inta kadibna ciidamada booliiska ayaa rasaas ku  kala dareeriyay mudoharaadayaasha.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland deegaankan kasoo jeeda ayaa xukuumada ugu baaqay in ay wax ka qabato dilalka ciidamadu gaystaan oo marar kala duwan soo noqnoqday.

"Waxa na daashaday in ay yidhaahdaan baadhitaan ayaanu samaynaynaa, oo waxba anay kasoo baxaynin, anagu saaka waxaanu u taaganahay cadaalad ayaanu ka sugaynaa dowlada" Xildhibaan Iid  Xidig ayaa sida yidhi.

Dadwaynaha mudaharaadaya iyo xildhibaanada ayaa sheegay in 4 qof deegaankan lagu dilay mudooyinkii ugu danbeeyay, dadwaynaha ayaa si gaara dilalka ugu eedeeyay badhasaabka gobolka Saanaag "Arrintaasi badhasaabka ayay dul taalaa cidi lama ogayn, arrinta shicibku ka kacay".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]