6/10/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 5 , 2023
Mucaaradka oo dowlad degaanka Soomaalida ku eedeeyay inay cabudhinayso Saxaafadda, iyo dowladda oo eedaas ka jawaabtay
 

Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Qaar kamid ah Mucaaradka dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhaliilo u badan dhanka Saxaafadda usoo jeediyay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida.

Haddaba Ibraahim dheere oo madax u ah mid kamid ah Xisbiyada mucaaradka ee ka jira degaanka Soomaalida oo lagu magacaabo FEP, ayaa Xukuumadda degaanka Soomaalida ku dhaliilay inay wado cabudhin dhinac walba ah, Ibraahim dheere waxa uu sheegay in dowladdu ay horey usoo af duubtay doorashadii horey degaanka Soomaalida uga dhacday, oo uu ku guulaystay xisbiga talada haya ee PP.

Ibraahim dheere waxa kale oo uu dowladda ku dhaliilay inay kala jabisay oo ay kala qaybisay xisbiyadii mucaaradka ahaa,  sida ONLF iyo FEP, isla markaana wakhti xaadirkan ay cabudhin ku billowday Saxaafaddii madaxa banaanayd ee ka jirtay degaanka Soomaalida.

Ibraahim dheere waxa kale oo uu sheegay in degaanka Soomaalida ay dib ugu soo noqdeen dhaqamadii xukuumaddii hore ee dadka lagu dhibi jiray, sida dadkii habeen badhka guryaha loogu daadanayay, dadkii degaannada kale laga soo xiri jiray, iyo hadda oo Saxaafaddii madaxa banaanayd hawada laga saarey, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee FEP Ibraahim dheere.

Balse Xukuumadda degaanka Soomaalida oo ka hadashay dhaliilahaas mucaaradku usoo jeediyay ayaa iska fogaysay dhaliilahaas, iyadoo ku tilmaantay mid aan waxba ka jirin, sida uu Warbaahinta la wadaagay Wasiirka Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida Cabduqaadir Rashiid.

Wasiirka ayaa xusay in degaanka Soomaalida aan cidna loo cabudhin fikirkiisa Warbaahinna aan loo xirin fikir ay gudbisay, isagoo sheegay in eedaymahan ay daba socdaan turxaan bixin iyo sixid lagu wado qaab shaqeedka Saxaafadda dowlad degaanka Soomaalida, waa siduu hadalka u dhigay Wasiirka Warfaafinta degaanka Soomaalida.

Warbaahinta shaqada laga joojiyay iyo Ururka isna lagala noqday ruqsaddii ayuu wasiirku sheegay inay markii horeba sharci darro ahaayeen, oo Warbaahinnadii la xannibay aysan wax fasax ah ka Xafiiska heer federal ee maamula Warbaahinta Itoobiya.

Wasiirku waxa uu xusay in Saxaafaddu ay leedahay shuruuc u degsan iyo xeer qabanaya, sidaas darteedna waxa uu Wasiirku sheegay in Warbaahintii ku xad gudubta shuruucda dalka u yaala in laga tallaabo qaadayo, waa siduu hadalka u dhigay Wasiirka Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida Cabduqaadir Rashiid.

Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhawaan xanibtay dhowr Warbaahin oo madax banaanaa, muddo dheerna ka howgali jiray dowlad degaanka Soomaalida, iyagoo fasax ku meel gaar ah ka haystay Xafiiska Warfaafinta ee degaanka Soomaalida.

Maalmo ka hor ayay dowladdu xannibtay Warbaahintaa oo badankood laga leeyahay dalka Itoobiya dibaddiisa, iyadoo dowladdu u cuskatay xannibaadaas inaysan wax fasax ah Warbaahinnadaasi aysan haysan, taas oo u cuntami wayday Wariyayaashii ka howlgali jiray Warbaahinnadaas la xannibay.












Click here
2/5/2023 10:15 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.

2/5/2023 7:25 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Cabdirashiid Cali Xiiray "Abeesa Dhuuni" oo ahaa sarkaal ciidan oo horjooge u ahaa ciidamo si iskood ah qoriga ugu qaatay si ay Alshabaab uga xoreeyaan gobolka Sanaag ayaa qarax miino lagu dilay.

2/5/2023 5:54 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Dadwayne cadhaysan ayaa saaka iskugu soo baxay wadooyinka degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ee Somaliland, kadib dil ay ciidamada booliisku u gaysteen qof shacab ah.

2/5/2023 5:38 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Sharci-dajiyayaasha Soomaali-Mareykan ee ku sugan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa cambaareeyay tallaabada Ilhaan Cumar looga saaray xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee Koongareeska.

2/5/2023 3:33 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha reer xaaji saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan Beesha Habargidir ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay maamul u sameynta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

2/5/2023 12:11 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - War murtiyeed kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa heshiis looga gaaray khikaafkii xooganaa ee ka dhashay doorashada maamulkaas.

2/5/2023 12:05 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashada Puntland ayaa lugaha la galay ciidamada, kaddib markii xalay sarkaal katirsan ciidamada uu ka horyimid diiwaan galinta doorashada qof iyo cod.