4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2023
Xukuumada Somaliland oo hada ka hadashay xaalada Laascaanood
 

Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo tikniko wata ay ciidamada Somaliland weerareen, lakiin ay ciidamadu kaliya is difaaceen, xeryahoodiina anay ka bixin.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, oo Laascaanood ku sugan, ayaa yidhi "Ciidan hubaysan oo tikniko wata, oo hoobiyayaal wata, oo baasuukayaal waata ayaa weeraray qaar kamid ah xeryihii ciidamada qaranka, ciidamada qaranku ilaa iyo hada way iska caabiyeen xeryahoodiina may dhaafin".

Qaraarka isimadu soo saareen ayuu ku tilmaamay mid aan loo dhamayn, isaga oo sheegay in ay ahayd talo guri gaara lagu gaadhay oo isimo badani ka maqnaayeen.

Waxa uu sheegay in  qorshaha dagaalka saaka dhacay uu ahaa mid hore loo gaadhay, oo isimada qaar ay hore u go'aamiyeen, isaga oo sheegay in aanu garanayn cida laga xoraynayo Laascaanood, waxaanu ku baaqay in xabada la joojiyo.

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo hore u sheegay in ay la dagaalami doonaan ciidamada Somaliland hadii anay gobolka ka bixin, ayaa saaka shacabka ugu baaqay in ay is difaacaan oo dagaalka galaan, waxaana magaalada gacanta ku haya ciidamo beeleed taabacsan garaadada.

Garaadada ayaa saaka soo saaray bayaan ay ugu muhiimsantahay in ciidamada Somaliland ay ka baxaan gobolada ay dagaan beelaha shirku Laascaanood uga socday, garaadada ayaa raba in Laascaanood xarun u noqoto maamul ka madaxbannaan Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]