4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2023
Puntland oo soo dhoweysay go'aamada kasoo baxay shirkii magaalada Laascaanood
 

Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa si buuxda u soo dhoweeyay go’aamadii ay soo saareen isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC, kaas oo ay kaga tashanayaan aayahooda, isagoo sheegay inay ku garab taagan yihiin ka Puntland ahaan.

Axmed Karaash oo soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay in aan indhaha laga qarsan karin waxa ka socda magaalada Laascaanood.

Wuxuu Somaliland ku eedeeyay inay shacabka Masiirkooda ka tashanaya ay kula kacayso xasuuq. Wuxuu caddeeyay masuuliyada wixii halkaas ka dhaca inay qaadayso Somaliland.

“Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen Xasuuq iyo Barakac joogto ah oo uu ku hayo Maamulka Soomaaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo, taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna haw booga dhayo,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland kama hadlin xiisadaha ka jira magaalada Garowe, halkaas oo ciidamo maleyshiyo beeleed ah ay kaga hor yimaadeen isdiiwaan galinta doorashada qof iyo cod.